Sida Loo Noqdo Caan iyo Taajir (Sheeko Dhab Ah)
Noloshii adkayd ee Joanne , Joanne waxay dhalatay 1965, waxaanay ku dhalatay tuulo yar oo sabool ah ku taala dalka Ingiriiska.
Ilaa bilawgii horee nolosheeda waxay aad u jeclayd inay qoraa noqoto, waxaanay qortay sheekadeedii ugu horeysay markii ay 6 jir ahayd.
Markii ay Joanne waynaatay nolosheedii way sii adkaatay. Waxaanay noqotay carmal (sigle mom), aad bay sabool u ahayd hooyadeedna aad bay u xanuunsanaysay.
Maalin maalmaha ka mid ah iyadoo tareen la socota ayay heshay fikrad aad u qancisay aadna ugu weynaatay. Waxay ka fikirtay inay qorto buug sheeko ah oo ku saabsanaa wiil isagoo dugsiga baranaya is ogaaday inuu saaxir yahay.
Joanne waxay bilawday inay qorto novel-keedii ugu horeeyay, balse ka hor intii aanay dhamayn hooyadeed ayaa dhimatay.
Geeridaa ku timid hooyadeedna waxay noqotay mid argagax ku noqotay ilaa ay saamayn balaadhan ku yeelatay qaabkii ay wax u qoraysay markii buugu sii dhamaanayay.
Joanne waxaa laga eryaya shaqadii ay ka shaqaynaysay sababtuna waxay ahayd waxaa lagu qabtay iyadoo wax qoraysa xagii ay ka shaqayn lahayd.
Sanado yar gudahood waxaa laga eryay shaqooyin badan waxaanay la daalaa dhacaysay sidii ay u heli lahayd meel uu dakhli ka soo galo.
Intaa kadib waxaa ku adkaatay inay hesho shaqo sababtoo ah may ahayn qof yar manay lahayn mihnad iyo taariikh shaqo oo fiican. Go'aan Qaadashada, Rajada Adag iyo Adkayasiga Kadib markii ay dhamaysay saddexdii cutub ee ugu horeeyay buugeeda oo la odhan jiray Harry Potter Novel,
waxay bilawday buugii meelaha buugaagta lagu soo saaro, waxaanay kala kulantay war naxdin leh. Waxaa la diiday in la aqbalo oo la soo saaro buugedii.
Joanne waxay sheegtay in tani ahayd markii labaad ee ugu xumayd nolosheeda " markii hore waxay ahayd dhimashadii hooyadeed".
Intaa kadib Joanne mayquusan waxaanay bilawday inay udirto buugeedii meelo kale oo lagu soo saaro buugaagta balse la yaabkeeda 12 meelood oo kale oo lagu soo saaro buugaagta ayaa diiday buugeedii.
Hooyo kaligeed ah, aan wax shaqo ama mihnad toona aan lahayn oo aragtay riyadeedii oo sii burburaysa. Waa xaaladii ay waqti Joanne ku sugnayd. Balse sababo jira aawadood may quusan ismanay dhiibin, waxaanay sii waday inay la xidhiidho meelihii lagu soo saari jiray buugaagta ilaa mid ka mid ah qoladii buugaagta soo saaraysay uu ku siiyay buugeedii 4000 oo dollar.
Lacagta iyo Caanimada Buugii waa la daabacay waxaana loo tixgaliyay inuu noqday buug guulaystay .
Joanne aad ayay u faraxday waxaanay go'aansatay inay sii wado riyadeedii. Waqti aad u yar kadib waxay ku iibisay koobiga buug kale oo ay qortay 100,000 oo dollar.
Buugii hore ee ay qortay ee ciwaankiisu ahaa Harry potter wuxuu bilaabay inuu u faafo sida dabka oo kale.
Ilaa tukaamadii iibinayay buugaagta kuyuu loo soo gali jiray si ay dadku u helaan buugaa. Wax yar kadib Joanne waxay ka helaysay lacag aad u badan meelihii lagu daabici jiray buugaagteeda.
Buugaagteedii waxay noqdeen kuwa loogu iibshada badan yahay mudo 5 sano ah. Joanne markii dambe waxay ka heshay codsi mid ka mid ah dadka filimaanta soo saara in buugeedii sheekada ahaa loo badalo filim.
Wax yar kadib Joanne waxay ka heshay 200 million oo dollar filimkii laga sameeyay buugeedii. Joanne waxay noqotay qoraagii ugu horeeyay taariikhda ee noqda bilyaneer waxaanay imika tahay mid ka mid ah dumarka ugu taajirsan aduunka.
Casharadii laga bartay Joanne
1. Udagaalan waxaa rumaysantahay xataa haday dadka khabiirada ahi ku diidaan: Joanne waxaa diiday 12 madbacadood oo buugaagta soo saara hadana waxay sii waday isku daygeeda sababtoo ah waxay rumaysnayd awoodeeda ay ku qori karto sheekooyin.
2. Xataa markay noloshu kugu adkaato hore u soco: nolosha Joanne waxay dhab ahaan ahayd mid adag. Waxay ku qori jirtay buugeedi ugu horeeyay meel maqaaxi ah iyadoo inanta yar ee ay dhashay dhabta ugu jiifto. Waxay soo martay dib u dhacyo iyo waqtiyo argagaxleh balse way sii waday manay niyad jabin ilaa ay ka noqotay gabadhaa caanka ah ee maanta la yaqaano J.K. Rowling.
3. Waxaad ka soo bilaabi kartaa meel aad u hooseeysa waanad guulaysan kartaa: Joanne may haysan wax ay ku bilawdo marka laga yimaado riyooyinkeeda iyo hiwaayadaa ay jeclayd, balse waxay cadaysay in hiwaayada iyo riyadu ay ka awood badan yihiin dhamaan hantida kale ee caalamka taala.
0 Comments
Walal fikirkaaga waad cabiri kartaaa