sirta kujirto cabida biyaha




muuhimada biyaha

Biyuhu waxay ka mid yihiin waxyaabaha uu Allaah SW Abuuray inaguna waraabiyay Alle isagoo ka hadlaaya Biyaha waxa uu yiri

“وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ” 

`````````````````````````````````````````````````

Haddii ay biyuhu jidhka ku yaraadaan waxaa ka dhasha xanuunno badan oo aan la tiro-koobi karin, haddii uu fuuqbax dhacana Nolosha qofku waa halis waanu dhiman karaa!.

Hadaba maxey tahay faaiidooyinka Caafimaad Eek u jirta Cabista Biyaha Caadiga ah

Faaiidooyinka Waxa Ka Mid Ah:

1- Biyuhu Waxa Ay Dheelli-tiraan Dheecaannada Jidhka Ku Jira

2- Biyuhu Waxay Ka Qeyb Qaataan Kontoroolka Tamarta Jidhka:

3- Biyuhu Waxay Awood Siiyaan Muruqyada Jidhka:

4- Biyuhu Waxay Quudiyaan Oo Qurxiyaan Maqaarka Jidhka:

5- Biyuhu Waxay Caawiyaan Shaqada Kelyaha: 

"Haddii Cabitaanka Biyuhu Kugu Yaryihiin Waxaad Halis Ugu Jirtaa In Ay Dhagaxaan Ku Samaysmaan Kelyahaaga"

6- Biyuhu Waxay Hagaajiyaan Shaqada Mindhicirrada: cabitaanka biyuhu waxay ka hortagtaan calool-istaagga, taas oo jidhka u leh faa’iidooyin badan oo aan la soo koobi karin, waxay kaloo badbaadiyaan unugyada mindhicirradu in aanay dhaawacmin.



FG: Waxaa muhiim ah in la ogaado in cabitaanka biyaha nadiifta ahi aanay baddalkooda gali Karin cabitaanada kale sida shaaha, sharaabka iyo dareerayaasha kalaba. Waxaan kaloo muhiim ah oo aan akhristaha ku boorrin lahaa in biyaha la cabo subaxii hore ay leeyihiin caafimaad badan. Soomaalida waxaa lagu tiriyaa ummadaha aan ku fiicneyn cabitaanka badan ee Biyaha taasaana keentay in ay in badani ka cawdaan kelyo xanuunka

—————————————————————————-

Post a Comment

0 Comments