KENYA oo war lama filaan ah kasoo saartay ciidamada ka jooga gudaha SOOMAALIYA

 

KENYA oo war lama filaan ah kasoo saartay ciidamada ka jooga gudaha SOOMAALIYA


Dowladda dalka Kenya ayaa war cusub ka soo saartay ciidamadeeda ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga ee Soomaaliya, maadaama la gaaray xilligii bixitaankooda ee ay horay u shaacisay Qaramada Midoobay.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca wadanka Kenya Gen. Robert Kibochi oo wareysi siiyey Telefishinka dalkaasi ee KBC ayaa shaaca ka qaaday in haatan ciidamadooda aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay sii caawinayaan Ciidamada Xoogga dalka.


Kibochi ayaa sababta ku sheegay in weli Soomaaliya ay ka jirto xasilooni darro, ayna sii wadayaan ciidamadooda howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii ay ka howl-galayeen Soomaaliya ciidamada Kenya ay guullo waa weyn gaareen, isla-markaana haddii ay ka baxayaan ay khasaarayaan guulihii ay horey u gaareen, sida uu hadalka u dhigay taliyaha guud ee ciidamada wadanka Kenya.


“Waxaan guulo ku gaarnay howlgalkeena Soomaaliya kama bixi karno in xaalladu deggan tahay maahane hadii kale guulihii aan gaarnay waa ay khasaarayaan” ayuu yiri taliyuhu


Post a Comment

1 Comments

  1. Kenya lacagey kuheysataa joogi taankeda somaliya marka lagama yaabo iney baxdo

    ReplyDelete

Walal fikirkaaga waad cabiri kartaaa