Morgan freeman wuxuu ku dhashay dalka maraykanka taariikhdu markay
ahayd 1937, waqtigaasi oo ku beegnaa waqtigii midab takoor lagu hayay dadka
madoobi uu aad u xooganaa. Iyadooy ay ugu wacan tahay dhibaatadan iyo
cadaaadiskaa midab takoorka, qoyskiisii waxay go'aansadeen inay u guuraan
meel kale si ay u helaan nolol ka fiican
ta waqtiga ka jirtay dalkooda.
Morgan wuxuu jeclaa inuu noqdo aktar, lacagtiisa iyo
waqtigiisa inta ugu
badana wuxuu ku bixin jiray si uu u daawado aflaamta. Marar badan
waxa uu
isku dayay inuu noqdo aktar balse kumuu guulaysan. Waqti aad u dheer
kadibna wuxuu is arkay isagoo duuliye ama pilot ka ah diyaaradaha milateriga.
Waqti kadib
Morgan wuxuu xaqiiqsaday in mihnada uu dhab ahaan u
jecelyahay ay tahay akteernimada, waxaanu go'aansaday inuu daba socdo oo
aanu ka hadhin sidii uu actar u noqon lahaa. Morgan da'diisii waxay gaadhay
45 jir isagoon wax guul weyn ah gaadhin. Laakiin muu niyad jabi wuxuu sii
wado iskudaygiiba, wuxuu guulaystay markay da'diisu gaadhay 50 jir ilaa uu
kama dambaystii matalay filimada caanka.
C.risaq Faarax Cawad
www.youtube.com/c/waxkabarro
Wax Ka Barro Channel
Copyright © 2016
Markay da'diisu noqotay 67 jir Morgan Freeman wuxuu ku guulaystay bilada
aflaamta kadib jilidiisii loo wada bogay ee filimkii la magac baxay "Million dollar
baby"
.
Casharada laga bartay noloshii Morgan Freeman.
1) Waxaad u malaynaysaa inaad ka habsaantay xiligaad riyooyinkaaga
eryan lahayd? Wuxuu guul gaadhay markay da'diisu noqotay 67 sano
jir: ma u malaynaysaa inaad da'a waynaatay? Morgan freeman wuxuu
bilaabay inuu guulaysto markii ay da'diisu noqotay 50 jir. Haddii aad u
jeelantahay oo aad jeceshahay inaad ku guulaysato wax, wali maad
habsaamin.
2) Ma Nasiibaa ? mise waa Adkaysi ?: qofku si uu guul u gaadho waa inuu
la kulmaa guul darooyin badan. Morgan Freeman wuxuu guuldaraystay
marar badan ilaa ay da'diisu gaadhay 40 jir isagoon wax guul ah gaadhin,
balse maadaama oo uu ah qof aad u adkaysi badan wuxuu maareeyay
inuu ku guulaysto riyadiisii markuu 50 jir gaadhay. Dhinaca kale arintani
nasiib ma'aha balse waa ku celcelin badan ilaa aad ka gaadhayso waxa
aad rabto.
3) Raac Oo ka shaqee waxa aad jeceshahay: kuma lihi kuma guulaysan
kartid shay haddii aanad jeclayn balse dhab ahaan waxay noqon doontaa
mid aad kuugu fudud inaad ku guulaysato waxaad jeceshahay marka la
barbardhigo ku guulaysiga wax aad neceb tahay. Hel waxa aad
C.risaq Faarax Cawad
www.youtube.com/c/waxkabarro
Wax Ka Barro Channel
Copyright © 2016
jeceshahay inaad qabato oo raac, haddii aad saa samayso fursadaha aad
ku guulaysanayaan waxay noqonayaan qaar aad u heersareey
0 Comments
Walal fikirkaaga waad cabiri kartaaa