Sheekadii Ramesh Babu

 


Ramesh waa nin reer india ah oo milyaneer ah, kaasi oo leh shirkad kiraysa baabuurta oo ay baabuurtiisu gaadhayaan 300 boqol oo gaadhi. Haddii aanad fikir iyo aaminsanaan fiican ka haysan guusha waxa laga yaabaa inaad u malayso in Ramesh uu ahaa qof nasiib leh ama qof ay ku caawiyeen qoyskiisu inuu aasaaso ganacsigaa, balse xaqiiq ahaa Ramesh wuxuu tusaale sax ah oo ku tusaya sida dhiiranaanta iyo go'aanku ay uga badiyaan waxkasta oo kale. Ramesh wuxuu ka shaqayn jiray meel raysle ama timo jare ah kaasi oo adeerkii lahaa, wuxuuna maalinta dhan ku shaqayn jiray 5 rupi oo waqitagaa ahayd lacag aad u yar. Ramesh wuxuu tagi jiray rayslaha aroortii,waxbarashada oo uu college ka dhigan jirayna wuxuu tagi jiray casarkii, intaa kadibna wuxuu ku noqon jiray rayslaha waxaanu ka shaqayn jiray ilaa kowda habeenimo. Ramesh wuxuu saddexda waqti ee wax la cuno wax cuni jiray hal waqti oo kaliya si uu u noolaado, sababtoo ah muu heli jirin lacag ku filan oo uu ku iibsado cunto kale. Maalin maalmaha kamid ah ayuu Ramesh isku darka lacagtii uu kaydsanayay iyo lacag uu soo amaahdayba qaaday oo uu ku iibsaday gaadhi. Ramesh wuxuu bilaabay inuu kireeyo baabuurtii si uu lacag uga sameeyo oo ay lacagi uga soo gasho. Wax yar kadib wuxuu yeeshay lix gaadhi oo uu kireeyo waxaanu wax badan xidhiidh la yeeshay xaga ganacsiga kiraynta. 2004 wuxuu bilaabay inuu iibsado gaadhi nooca lagu raaxaysto ah oo uu ka kireeyo dadka. Waqtigaa dadku may kiraysan jirin gawaadhiga lagu raaxaysto, qofkastaana wuxuu u sheegay inuu qalad weyn sameeyay. C.risaq Faarax Cawad www.youtube.com/c/waxkabarro Wax Ka Barro Channel Copyright © 2016 Ramesh wuxuu u cadeeyay dadkii inuu isagu saxsanaa, ganacsigiisiina wuu sii koray. Markuu waqtigu ahaa 2011 wuxuu bilaabay inuu ku soo daro ganacsigiisii oo uu soo iibsado gawaadhida loo yaqaano Rolls Royce, mar labaad dadkii waxay u sheegeen inuu qalad aad u weyn samaynayo. Ramesh mar labaad wuu saxsanaa. Wuxuuna noqday milyaneer gawaadhidiisuna waxay gaadheen in ka badan 300 oo baabuur noloshiisiina gabi ahaanba way isbadashay. Casharada laga baranayo sheekadan Ramesh 1) Noloshu way adagtahay, sida awgeed maxaa kula gudboon?: hadaba ma umalaynaysaa inaanad ganacsi bilaabi karin sababtoo ah wax lacag ah ma haysatid, ama sababtoo ah wax waqtiya mahaysatid. Ramesh wuxuu wax baranayay maalinta oo dhan, maalintii wuxuu helayay lacag 5 rupe ah. Waxaad haysataaa wax ka badan inta uu haystay Ramesh, haddii aad umalaynayso inay noloshaadu adagtahayna waxaad ogaataa in dadkii noloshoodu kaa sii xumayd ay sameeyeen oo gaadheen guul. 2) Badanaa waxaa jiri doona qof ku niyad jabiya oo hoos kuu dhiga: ka hor intii aanu qaadin labadii talaabee ugu muhiimsanaa mihnadiisa, dadku waxay u sheegeen inuu ku socdo jiho qaldan balse muu dhagaysan dadkaa. Tana waa waxa saxda ah ee ay dadka guusha gaadhaa sameeyaan. Waxay raacaan riyooyinkooga iyo waxay gaadh isleeyihiin xataa haday dad badani isku dayayaan inay ka joojiyaan. C.risaq Faarax Cawad www.youtube.com/c/waxkabarro Wax Ka Barro Channel Copyright © 2016 3) Dib u dhacyo aad u xun: wadadii guusha uu u maray Ramesh may ahayn mid toosan oo ubaxyo iyo roog cas loo dhigay. Waraysi lala yeeshay mar ayaa waxa uu sheegay inuu waajahay dib u dhacyo badan tana waa waxa aad dhab ahaan u waajihi doonto. Waxa ogaataa oo kaliya in dib u dhacyadu yihiin wax ka mid ah nolosha ganacsadaha. 4) Dadka qaar waxay sameeyaan cudur daaro dadka kalena hore ayay ka qabtaan: haddii Ramesh aanu waligii guulaysan lahayn, oo uu u sababayn lahaa guuldaradiisa cudurdaaro, cudur daaradaasi waxay noqon lahaayeen qaar macquul u ah dad badan. Hadaba waxaasoo dhan kadib, muxuu samayn karaa qof ku nool xaalada sidan u adagi si uu u horumariyo noloshiisa? Ramesh wuxuu cadeeyay in go'aan qaadashada iyo shaqada adagi ay u badali karaan nolol kasta dhinaca fiican.

Post a Comment

0 Comments