Faqiirki Hantiyey Hoteelka


 


Charles Kemmons Wilson waa nin u dhashey dalka Mareykanka waxaana isagoo dhalinyaro ah uu ka shaqo bilaabay warshad qoryaha lagu sameeyo, dabeedna isagoo 40 jir ah oo weli ka xoogsada

 warshada ayaa waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah aroor hore ama subax hore uu u yeeray maamulihii shirkaddu, waxaana uu u sheegay in shaqadii laga erayay iyadoon aan loona ogalayn in mar danbe uu shaqo u soo doonto shirkadda. Mr Charles markii arintaa loo sheegay aad iyo aad ayuu uga naxay Wuxuu ahaa sidii qof dhulku liqay oo madawgiisa ku sii dhex jira waxuuna aaminay in albaabkii risiqu ka soo xirmay isaga iyo xaaskiisa. Markii uu gurigiisa tagey ayuu u sheegay xaaskiisa in shaqadii mudada dheer uu ka shaqeynayey laga soo eryay, dabeedna xaaskiisa ayaa waxay ku tiri “Maxaanu samaynaa gacaliye”? Waxaana uu ugu jawaabay gurigan aan ku jirno ayaan rahmayaa oo lacagtiisa ayaan dhismayaal ku samaynayaa oo aan sii iibinayaa.Waana ay ka ogolaatay... Markii uu dhismihii ugu horeeyay sameeyay wuu iibiyay, waxaana uu ka helay macaash fiican. Shan sano oo uu hawshaasi wadey ka dib wuxuu noqday Nin hantiile ama taajir ah. Ninkan Mr. Charles Kemmons Wilson waa ninka asaasey mid ka mid ah Hoteelada dunida ugu balaaran maanta ee loo yaqaan "Holiday Inn" oo xarunteedu tahay dalka Mareykanka. Waxaana tiradooda ay tahay 2649 Hotel oo dunida ku baahsan marka la eego tirokoobkii ugu danbeeyay ee la sameeyay Bishii Septembar 30-kedii Sanndkii 2016-kii. Wilson wuxu yiri “Haddii aan ogaan lahaa ninkii shaqada iga eryay maanta halka uu joogo, waxaan siin lahaa abaal marin weyn”, waayo isaga ayaa sabab u ah dadaalkayga iyo hantidayda. Noloshu uma qalanto inaan werwer ku dhamaysano, fashil kastaana maaha Kan noloshaada soo xiraya waxa laga yaabaa inuu yahay Kan kuu furaya albaabka guusha sidaas waxaa yiri Charles Kemmons Wilson. 

Post a Comment

0 Comments