Waxaa jiray dawarsade curyaan ah oo ka tuugsan jiray maalmaha Jimcaha Masaajid ku yaal magaalada Lahore, Pakistan. Inkastoo uu dawarsade ahaa hadana khudbada wuu la socon jiray. Khudbad ayaa maalin ka hadlaysay muhiimada ay leedahay cunida risiq xalaal ah. Wuxuu ogaaday in ducada aan laga aqbalayn kuwa dakhliga ka soo galo meelo xaaraan ah. Wuxuu isla markiba go'aansaday inuu lacag ka qaato dadka uu yaqaan inay xalaal cun yihiin oo keliya! Lacagti soo geli jirtay maalin kasta hoos ayay u dhacday balse wuxuu ku adkeystay go'aankiisa ahaa inuu noqdo Xalaal cun. Isagoo sidi ku wada ayuu dhintay. Inkastoo uu ahaa tuugsade aaskiisi waxaa looga soo qeybgalay si weyn. Dad badan oo maamuus leh ayaa yimi qabrigiisa sababtoo ah waxay ogaayeen siduu ugu tanaasulay adeecida Awaamiirta Alle. Waa baahanahay baqti looma cuno. Dad badan waxay aamineen oraah ahayd "beggers have no choice" oo loola jeedo "Tuugsaduhu ma haha Ikhyaar uu wax ku diido ee wixi la siiyo waa in uu iska qaataa" qof kasta oo nool wuxuu leeyahay choice "Ikhyaar" uu ku doorto wanaag & xumaan, xalaal iyo xaaraan, ha ahaado maskiin, mid xoogan, faqiir ama taajir. Marnaba ma aha qofka in baahi ama dhereg, hadba tii soo Marta, meel xun ku hogaamiso. Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri, "Gaajo Gobanimo leh ayaa ka Roon Dhereg Gunnimo leh" Allaha naga dhigo kuwi quuta Xalaasha, naftooda iyo qoyskoodana ka ilaaliya Xaaraan
W/Q:Abdifitah mohamod Ahmed
0 Comments
Walal fikirkaaga waad cabiri kartaaa