Haweenay muslimad ah ayaa waxay tiri ninkeygii Allaha u naxariistee wuu dhintay ama geeriyooday anigoo da'daydu tahay 30 jir waxaana lahaa Shan caruur ah oo gabdho iyo wiilal isugu jira. Adduunyada ayaa dhabtii igu madoobatey bey tiri, sidii aan u oynayey ama u ilmaynayay indhaheyga nuurkooda ayaa yaraaday, waxaan is tusay iskana dhaadhiciyey inaan ahay qof aad nasiib xun. Caruurtaydu waa ay yaryar yihiin, waxaa dhaqaale ahaan nasoo galana waxba nooma taraan, waxaana masariif noo ahaa bay tiri xoogaa ilmaha aabahood nooga dhintay. Waxay tiri haweenayda maalin anigoo iska fadhiya ayaan furay Idaacada Qur'aanka ee Makkah dabeedna waxaan ka maqley xadiis Rasuulka calayhi salatu wasalaam ku yiri
: قال رسوالله صلى عليه وسلم "من أكثر من االستغفار جعل الله له من كل هـــم مخرجا ومـن كل ضيق فرجا"
Markaas ayaan bilaabay inaan Istaqfaarka badiyo caruurtaydana sidaa ayaan ku amrey. Waxaa dhacday muddo yar ka dib in dhul aanu lahayn oo berri hore oo uu jid ama wado la dhisayey uu maray oo aanu ka samarney xiligii ninkaygu noolaa ayaa nooga timid lacag aad u badan oo malaayiin ah. Wiilkeyga weyn wuxuu noqday Kan u horeeya Taxfiidka Quraanka mandiqadeyda waxaana masuul looga dhigay dadka tabarta daran waxtarkooda kheyrkii ayaa nagu batay nolol fiicana waan ku noolaaney Illaaheyna wuu ii xafiday wiilasheyda iyo gabdhaheygaba. Wel welkii iyo muragadii i heysay Allaah waa uu iga fayday igana qaaday waxaan noqday qof farxaan ah.Intaasoo dhan walalayaal waa fadliga Istiqfaarka uu leeyahay. Hadaba Qofka kasta oo naga mida ah waxaan kula dardaarmayaa nafteyda iyo naftiinaba inaan Istaqfaarka badino waxba ma noqaneyno markaad fadhisid hadii aad soconeysid hadii aa shaqo joogtid hadii aad bas sugaysid ama gaari aad kaxeynayso meel kasta saacad kasta inaad weyso qabto kaama rabto. Sida ugu sareyso oo loo weydiisto Alle dambi dhaafka waa inaad tiraahdo Allaahuma Anta Rabii laa Ilaaha illaa Anta khalaqtanii wa anaa cabduka,wa anaa cahdika wawacdika mastadactu,Acuudi bika min shari maa sanactu,abuu'u laka binicmatak calayya wa abuu'u bidanbii faqfir lii fa inahu laa yaqfirul-dunuuba ilaa Anta.
WQ: ABDIFITAH MOHAMOD AHMED
1 Comments
Waaw masha allah
ReplyDeleteWalal fikirkaaga waad cabiri kartaaa