La kala teg orodse maaha!!.
Sida ay qortay The Sun hay'adda NASA waxay ogaatay in meeraha Pysche uu yahay Dahab, sidoo kalena ay qaybtiis tahay Bir iyo macaadin kale oo qiimo leh.
Dahabka kaliya ayaa qiimihiisa lagu qiyaasay toban kun oo Kuwaadirilyoon (10,000 Quadrillion), halkii kuwadirilyoon waa kun Tirilyoon.
Meerahaas ayaa dhulka u jira 370 Milyan oo Kiilomitir, haddii meerahaan macaadinta uu ka koobanyahay loo rogo lacag oo loo qaybsho aadanaha oo dhan waxay kulligood noqon lahaayeen wada Milyooneer.
2022 xagaaga ayey NASA diri doontaa hayaan lagu ogaanayo dhidibbada nidaamka qorraxeedkiisa.
Waxaa kale oo la ogaaday in heerkulkiisu ka hooseeyo 60% intii la malaynayey.
Ummadaha horumaray waxay u kuurgalaan Aayadaha Rabbi koonka ku abuuray, waxay ka dhaxlaan aqoon iyo hanti labadaba.
Halka bulshooyinka dib dhacay ay moogyihiin Aayaadka kowniga ah, waxayna u bakhtiyaan jahli iyo gaajo iyaga oo dul fadhiya barwaaqo, kaliya way ku dalxiisaan, isku sawiraan!!.
...
0 Comments
Walal fikirkaaga waad cabiri kartaaa