TILMAAMAHA ARDAYGA GUULUYSTAY.
1: Daacadnimo (IKhlaas) waa Arday wax ubaranaya inuu naftiisa ka saara mugdiga Jahliga gaadhsiiyana iftiinka Cilmiga rajaynaya inuu Aakhiro ku badbaado cilmiga Alle baray Jannadana ku galo. Intaas kabacdina doonaya inuu ku anfaco cilmiga uu baranayo dadkiisa iyo dhamaan muslimiinta .
2: waa Arday waqtigiisa qorsheeya oo dareesan qiimaha waxqtigu uu leeyahay jadwal usameeya noloshiisa iyo hadafkiisa wax barasho, iswaydiiyana bishan maxaad gaadhay?, lixdan bilood maxaad qabatay? sanadkii tagay maxaa kuu kordhay? Waqtigu waa wax qaali ah waana lafdhabarta nolasha, Adduunka dadka meel gaadhay oo dhami waa dadkii waqtigooda ka faa’idaystay dadka hadhay ee aan waxba ka qabsan adduunkana waa dadkii dayacay waqtigooda.
Cabdilaahi Ibnu Mascuud waxa uu yidhi: umaan murugoon shay saan uga marugooday maalin ay dhacday qoraxdeedii cimrigaygii nuqsaamay uuna cilmina ii siyaadin. Xassan Albasri waxaa uu yidhi: ina Adanoow waxaad tahay ayaamo haddii ay maalin tagtana qayb kaa mid ah ayaa tagtay. Taabici lo odhanjiray Caamir Ibnu Cabdulqays ayaa maalin nini ka soo hor baxay,
markaas ayuu ku yidhi ila hadal waxaa uuna ugu jawaabay: Qorraxda jooji aan kula hadlee. Dadkii hore gaar ahaan kuwoodii wax baran jiray wax kasta wuu kala qaalisanaa waqtigu, saacadaha ay wax cunayaan iyo kuwa ay xaajo gudanayaan ayey dhibsan jireen waqtiga kaga lumaya, marka ay wadooyinka marayaan ayey ka faa’idaysan jireen waqtiga oo ay cilmiga akhrin jireen. Shiikhii la odhan jiray Saclab alnaxawi isaga oo toddobaatan jir ah oo wado maraya cilmina akhrinaya ayuu god ku dhacay halkaas ayuuna ku geeriyooday. Abuu Barakaat shiikhii la odhan jiray oo awow uhaa Ibnu Taymiya waxaa laga weriyaa xilliga uu xaajo gudanayo inuu wiil uu dhalay inta uu kitaab udhiibo uu adhan jiray kor u akhri si aan umaqlo. TILMAAMAHA ARDAYGA GUULAYSTAY: RORRE: CABDIRAXMAAN AXMED GARAAD SOOFE. Dahabi markii uu ka waramayey shiikh KHaddiib waxaa uu ku sifeeyey waxaa uu soconjiray isaga oo gacanta kuwata kitaab uu mudaalacaysanayo. Akhristoo lama soo koobi karo qisooyinka tilmaamaya culumadeenii hore say ugu faa’idaysan jireen waqtiga waxaad ku arkaysaa wax layaab leh markad aad taariikhdooda akhriso . Isku day inaad ku dayato dadkaa wanaagsan in lagu daydaana waa shafar iyo guul watigaaguna yuusan ciyaar kaaga lumin iska ilaali waxyaaha waqtiga lumiya .
WQ:ABDIFITAH MOHAMUD AHMED
whats app link: Halkaan kudhufo
0 Comments
Walal fikirkaaga waad cabiri kartaaa