Damaca iyo dagaal ka dhex qarxay madax goboleedyada oo halis gelinaya doorashada
Doorashada Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa wajaheysa caqabad cusub, hase yeeshee haddii marar badan lagu eedeeyey inay ka socon la’dahay Farmaajo, waxay hadda u xayiran tahay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.
loolan xooggan oo salka ku haya damac iyo dano siyaasadeed oo ka dhex-jira madax goboleedyada dalka, ayaa meesha ka saaraya in doorashada lagu soo dhammeeyo sanada 2021 gudihiis.
Madax goboleedyada dalka iyo Rooble ayaa la filayaa inay Muqdisho ku kulmaan Sabtida kadib markii kulan lagu waday inuu dhex-maro 19-ka bishan uu u baaqday safarka uu ra’iisul wasaaraha uga maqan yahay dalka.
Sida aan xogta ku helnay, kulankaas ayaa waxaa horyaalla laba qodob oo xasaasi ah oo kala ah ah:
1- Habraaca doorashada golaha shacabka: Madax goboleedyada ayaa si aad ah u doonaya inay soo saaraan ama lasoo saaro habraac doorasho oo awood badan siinaya iyaga, si ay doorashada golaha shacabka ugu dhigaan mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo si buuxda ay u lahaayeen go’aanka cidda noqoneysa senator iyo cidda aan noqoneyn.
Ayaga oo fahamsan qorshaha madax goobleedyada, ayey guddiga doorashada soo saareen habraac doorasho oo lagu soo beegay laba malamood kahor shirkii baaqday ee 19-ka bishan.
Waxa ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah; cidda leh awoodda soo xulista ergada dooraneysa xildhibaanka. Madax goboleedyada ayaa doonaya inay kaalin ku yeeshaan xulista ergada, halka odayaasha qabaa’ilka, guddiga doorashada, midowga musharaxiinta iyo madaxweyne Farmaajo ay doonayaan in qabaa’ilka loo madax baneeyo.
2- Deegaan doorashada: Waxaa weli jira isku day la doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada golaha shacabka oo laga dhigo hal magaalo. Qorshahan oo dhowr mar la isku dayey, balse la isku raaci waayey ayaa mar kale miiska saaran.
0 Comments
Walal fikirkaaga waad cabiri kartaaa