Afghanistan: Yaa hubka iyo lacagta siiya Taalibaan?


 

Kooxda Taalibaan waxay muddo 20 sano ah dagaal kula jirtay ciidamada dowladda Afghanistan ee taageerada ka heystay militariga Mareykanka iyo xulafadiisa.

Dhaqaalaha ku baxayay dowladda Afghanistan waxaa daboolayay Mareykanka, balse waxaa la isweydiinayay halka ay Taalibaan ka hesho kharashka ay muddadaas dheer u adeegsaneysay dagaalka.


Waxaa la aaminsan yahay in kooxdan ay dhaqaale badan ka hesho gudaha iyo dibadda - labadaba. Sidoo kale su'aasha kale ee ugu weyn waxay ku qotontaa cidda hubka siiso kooxdan.

Intuu la egyahay dhaqaalaha ay hesho Taalibaan?


Kooxda Taalibaan waxay horay dalka Afghanistan u xukumayeen intii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii, xilligaas oo maamulkooda uu ahaa mid si adag u dhaqan galiyay Shareecada Islaamiga ah.


Tan iyo markii maamulka laga faromaroojiyay, waxay wadeen iskacaabbin waqti dheer qaadatay, illaa ugu dambeyn ay hadda dib u qabsadeen waddankaas.


Inta badan qiyaas kaliya ayaa lagu sheegaa qaabka ay dhaqaalaha u hesho kooxdan sababtoo ah Taalibaan ma shaaciso xogta la xiriirta meesha ay lacagta ka helaan.


Balse wareysiyo ay BBC-da la yeelatay khubaro ku sugan guaha iyo dibadda Afghanistan ayaa muujiyay in kooxda ay leedahay shabakad lacag ugu aruurisa qaab aan si weyn loo fahansaneyn. Waxaa kale oo ay aruuriyaan canshuur si loogu bixiyo howlgallada ay fuliyaan.


Ilaha ay dhaqaalaha kasoo galaan waxaa ka mid ah iibinta maandooriye ka baxa waddankaas oo dibadda loo dhoofiyo.


Post a Comment

0 Comments